Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar ka qaaday Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax oo kamid musharaxiinta u taagan qabashada hoggaanka Hirshabeelle.

Illo xog ogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in Diyaarad qaas ah oo Villa Soomaaliya aay usoo dirtay Jowhar looga qaaday Cabdi Fitaax Xasan Afrax isla markaana lageeyay magaalada Muqdisho.

Lama oga ujeedka rasmiga ah waxaana durba soo baxayay warar is qilaafsan oo ku aadan qaadistiisa Villa Soomaaliya ee aay jowhar ka qaaday Cabdi Fitaax Xasan Afrax.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in Villa Soomaaliya aay dooneeyso in aay soo afjarto hammiga mr Afrax ee ahaa in madaxweyne ama madaxweyne ku xigeen uu ka noqdo Hirshabeelle,halka warar kalane aay ku waramayaan in Cabdi Fitaax laga yaabo in laga gado Madaxweyne Farmaajo oo loo ogolaado in hoggaanka hirshabeelle loo dhiibo.

Cabdi Fitaax Xasan Afrax ayaa dhawaan sheegay in muddo 48-saac gudaheed uu ku dhawaaqi doono musharaxnimadiisa mid kamid ah labada hoggaan ee Hirshabeelle,balse sida muuqata ka hor inta uusan ku dhawaaqin ayaa Muqdisho la geeyay.

Sida wararkii ugu dambeeyay lagu helayo Villa Soomaaliya ayaa dooneeysa in madaxweyne Hirshabelle aay ka dhigto Cali Guudlaawe Xuseen halka calaamad Su’aal saarantahay cidda noqoneeysa Madaxweyne ku xigeena u Hirshabeelle.

Cabdi Fitaax Xasan Afrax oo xariir aan la sameeyay iima aaysan suura galin in aan helo haya yeeshee qaar kamid ah Taageerayaashiisa ayaa ku warramaya in guddoomiye Cabdi Fitaax Xasan Afrax oo madaxtooyada kulan kula qaatay Taliyaha NISA iyo Madaxweynaha Soomaaliya maalinta berri ahne uu dib ugu laaban doono magaalada Jowhar.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here