Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay  sirasmi ah Al-Shabab kala wareegeen degmada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo muddo badan ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Janaral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in Ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka ay xaqiijiyeen ammaanka degmada Aadan-yabaal, isla markaana degmada ay ka wadaan howlgallo iyo inay isku ballaariyaan.

Dhinaca kale howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamada xoogga dalka la wareegitaanka degmada Aadan-yabaal oo muddo tobonaan sano ah ay gacanta kuhayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadooda ay sii wadi doonaan inay ciidamada dowladda kaal shaqeeyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna Ciidamada dowladda ku taageereen duqeymo dhinaca cirka ah

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Danjire Maxamed A-Amiin Seyf, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xoreynta degmada Aadan-yabaal, magaalo dhacda Gobolka Shabeellada Dhexe oo Al-Shabaab u ahayd xarun ay ku tababartaan.

“Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyosaaxiibbada oo howlgallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awoodu leeyihin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda,” ayuu yiri Danjire Seyf.

Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu kala shaqeeyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalkooda ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in ay amni iyo xasillooni ku soo dabbaalaan dalkooda”, ayuu carrabka ku adkeeyay.

Taliyaha KMG ah ee Ciidanka ATMIS Sarreeye Guuto Keith Katungi, ayaa sheegay in ATMIS ay taageero la garab taagnayd. “Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ATMIS ee Taliska Koowaad ayaa ku taageerayey duqeymaha cirka ee aadka loogu baahnaa iyo daad-gureynta dhaawacyada, intii ay howlgalladan socdeen oo dhan, si ay u taageeraan Ciidanka Xoogga Dalka ee dhulka ka dagaallamaya.”

Waxa uu intaa raaciyey: “Si wadajir ah, ayaan u jabin doonnaa ugana adkaan doonnaa Al- Shabaab”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here