Howlgal Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaano dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool ee dowlad gobaleedka Koofur Galbeed ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawgalkaan oo ka dhacay Gobolka Bakool lagu dilay 25 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in ay isku diyaaraneen dagaal.

Advertisement

Sidoo kale warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sii sheegay xubnaha lagu dilay hawgalkaan ay shan ka mid ah ahaayeen ajaaniib, kuwaas oo loo xilsaaray hawgallada ay kooxdaan ka fuliyeed Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha degmada Waajib Maxamed Macalin yuusuf oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa u xaqiijyey dhimashada xubnahaan oo ay ku jiraan ajaanibta, isaga oo intaas raaciyey in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray xubno kale oo katirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalka.

Dowlad Goboleedka Koofur Galbeedka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso howlgallada la dagaalanka Al-Shabaab ee Deegaannada Dowlad Goboleedkaas si gaar ah waddada Xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here