Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay In ka badan 30 ka tirsan Al-Shabaab in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ku dileen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Al-Shabaab deegaanka Abooreey

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidanka ay sii haayeen xogta xubnaha la weeraray ee Al-Shabaab.

Shan Askari oo ka  tirsan dowladda ayaa ku dhaawacmay howlgalkaasi.

Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka ayaa ahaa goob muhiim u ahaa marinka Al-Shabaab ay isaga kala gudbi jireen deegaanada bari iyo qaybaha kale ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here