Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Millateriga, ciidanka Nabadsugida Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamiga ah ee taageera ayaa howlgal ka dhan ahaa Al-Shabaab ka fuliyay Tuulada Dhagaxow oo u dhow deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 49 katirsan Ururka Al-Shabaab oo waday qorsho ay isku abaabulayeen, xilli ay ku sugnaayeen dhulbeereedka Sheekh Qaasim ee Tuulada Dhagaxow.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa warka kasoo baxay waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo celiyay Gaadiid dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hal askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa ku dhintay inta uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray  saddex kale oo ka tirsan ciidamada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay dowladda.

Warkaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Xawaadleey, waxaana weerarkaas lagu dilay Taliyihii Guutada 3-aad Qaybta 27-aad ee Millatariga Soomaaliya Kornayl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here