
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waddo diyaargarow dhanka amniga doorashada inkastoo aanan wali heshiis laga gaarin arrimaha doorashooyinka.
Dowladda waxaa ay sheegtay in uu jiro iskaashi dhanka amniga oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kaas oo ku aadan amniga xarumaha doorashada ka dhacayso.
Afhayeenka booliska Soomaaliya, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa BBC-da u sheegay inay isla meel dhigeen qorsheyaal lagu xaqiijinayo amniga isla markaana loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka shaqeynayo arrintaas.