Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta degaanka Furqaan oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay kusoo bandhigtay Xubin katirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ninka oo lagu Magacaabo Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane ayaa la soo xiriiray Saraakiisha degaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo ugu dambeyn soo dhaweeyay.

Goobta maanta lagu soo bandhigay isisoo dhiibe Saciid, waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicisow, saraakiil kale iyo Agaasimaha waaxda cansuuraha ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Juris.

Saciid Xuseen Raage ayaa sheegay in muddo badan uu la shaqeynayay Al-Shababa, balse hadda uu isaga soo tegay kadib markii uu arkay inay dhibaateeynayan Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Xubnaha kale ee weli ka tirsan Al-Shabaab inay isaga soo tagaan oo ay kusoo biiraan dowladda Soomaaliya si lamid ah sida uu uga soo tegay Al-Shabaab.

Degaannada katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareeeen degaano ay gacanta kuhayeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here