Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320 ahna Soomaali Airlines, kuwaas oo ku howl gali doono muddo laba bilood gudahood ah.
Heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan ayaa maanta lagu saxiixay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.
𝐆𝐮𝐮𝐬𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨 𝐂𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐚𝐰𝐥𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐀𝐢𝐫𝐥𝐢𝐧𝐞𝐬 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐮𝐮𝐥𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐚𝐝𝐞𝐫𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa bulshada la wadaagay xogta heshiiskaan iyo diyaaradaha la soo iibiyey.

