Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ku boorineyso dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka iyo maleesiyaad taageersan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftaagreen)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here