HomeCiyaarahaDowladda Spain oo baaritaan culus ku billowday xafladdii dhalashada Lamine Yamal kadib...

Dowladda Spain oo baaritaan culus ku billowday xafladdii dhalashada Lamine Yamal kadib markii eedeymo halis ah soo baxeen

XIGASHO LAACIB.NET

Dowladda Spain ayaa si rasmi ah u bilowday baaritaan rasmi ah si loo oggaado haddii sharciga naafada lagu xadgudbay intii lagu guda jiray xafladdii dhalashada ee Lamine Yamal, sida ay si kalsooni leh u shaaciyeen warbaahinta COPE.

Xiddiga Barcelona ee dhawaan u dabbaaldegay 18-jirnimadiisa, ayaa lagu eedeeyay inuu martiqaaday dad dhibaatooyin jidheed qaba si ay madadaalo uga dhigaan, taas oo noqon karta jabinta xeerarka naafada ee dalka, haddii aysan dadku ahayn jilayaal si rasmi ah loo aqoonsan yahay.

Waxaa sidoo kale jirta warar sheegaya in haween lagu casuumay xafladda, halka gabar moodel ah sheegtay inay ka baaqatay ka qeybgalka xafladda kaddib markii ay diiday in jidhkeeda ay ku muujiso xafladda.

Hay’adda u dooda xuquuqda dadka naafada ah ee Spain, gaar ahaan kuwa qaba cudurrada lafaha (ADEE), ayaa horey u cambaareysay dhacdada waxayna ku tilmaantay mid xambaarsan takoor iyo xadgudub lagula kacay xuquuqda dadka la nool naafonimada.

Dowladda Spain ayaa hadda doonaysa inay xaqiijiso in xafladdaasi aysan jebin xeerarka u yaalla ilaalinta sharafta iyo xuquuqda dadka naafada ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -