Xukuumadda haatan ka jirta dalkaasi Sweden ayaa adkeysay Siyaasadda socdaalka Muhaajiriinta iyo soo-Galootiga ku sii qulqulayo gudaha dalka Sweden.

Hay’adda Socdaalka ee dalka Sweden (Migrationsverket) ayaa sheegtay in la soo masaafurin doono Kumanaan Qaxootiga la diiday Codsiyadooda Magangelyo-doonka, kuwaasi oo go’aansaday inay iskooda ugu laabtaan dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Advertisement

Tirada Qaxootiga ugu yar ee la soo taxiili doono ayaa ka soo jeeda dalka Soomaaliya, halka Tirada ugu badan ay ka soo kala jeedaan dalalka Iraq, Iran iyo Afghanistan.

Waddanka Sweden oo ay ku nool yihiin ilaa 9.8 million oo qof ayaa ka mid ah dalalka Europe ee qaatay Tirada ugu badan Qaxootiga ku qulqulayo Qaaradda Europe.

Previous articleDowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay xubin ka tirsan AS oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka
Next articleGudoomiyihii degmada Baraawe oo xilka laga qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here