Dowlada Uganda ayaa shaacisay in ay ku guuleesatay sameesashada gaadiidka dagaalka nuuca gaashaamaan oo ay adeegsadaan ciidamada Milatariga, gawaaridan ayaana lagu farsameeyay gudaha Uganda.

Taliyaha ciidanka Uganda, Gen Muhoozi Kainerugaba, ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo galiyay sawirada gaadiidka gaashaamaan ee adeegsadaan ciidamada dhulka kuwaa uu sheegay in lagu farsameeyay gudaha Uganda .

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka dalka Uganda in gawaaridan dagaalka ee sameesteen  lagu naqshadeeyey laguna farsameeyay gudaha Uganda, mana shaacin taliyaha astaamaha gaarka ah ee baabuurtan iyo qiimaha ay ku kacayaan.

Gaarigan gaashaaman oo loo bixiyey magac laga keenay afka Sawaaxiliga, oo ah Shabeel, ayaa waxaa shaacintiisa usoo wakiishay taliyaha aabihii, oo ah Madaweynaha Uganda, Yoweri Museveni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here