Xukuumadda Ingiriiska ayaa ka baaraan degaysa in aanay dalkeeda soo gelin dadka magangelyo doonka ahi ilaa inta codsiyadooda go,aan laga gaadhayo.

Arintan ayaa qayb ka ah wax ka bedel ballaadhan oo lagu wado xeerarka socdaalka dalkaas ka dib markii Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub.

London ayaa doonaysa in ay wax ka bedesho xeerarka socdaalka dadka tahriibka sharci darrada ah ku gala dalkaas ee isku daya in ay ka gudbaan badda English Channel ee u dhaxaysa Ingiriiska iyo Faransiiska iyaga oo doonaya in ay magangelyo helaan.

Wasiirka arimaha gudaha, Priti Patel, ayaa ku tilmaantay xeerarka socdaalka ee haatan jiraa in ay ka muuqato mushkilad asaasi ahi

Saddexdii bilood ee ugu horeeyey sannadkan ayaa in ka badan 650 qof ka gudbeen badda English Channel oo ay kaga tallaabeen doonyo yar yar oo ay ku gaadheen dhanka Ingiriiska, waana tiradii mudadaas oo kale sannadkii hore ka gudubtay laban laabkeed.

Wargeyska Times ee dalkaa ka soo baxa ayaa sheegay in xukuumaddu dersayso sidii ay goobo lagu qaabilo dadka muhaajiriinta ah uga furi lahayd dhulka Ingiriisku xukumo ee dalka dibadiisa ku yaal sida jasiiradda Gibraltar oo kale.

By C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here