Dowladda waxa ay xirtay Agaasime Cosoble halka ninkii ka sareeyay ee Cabdul ahaa garoonka Aadan Cadde diyaarad laga saaray

Ciidanka booliiska ayaa xiray Col. Abdullahi Mohamud Osoble oo ahaa Agaasimaha waaxda Ajaaniibta ee dal-kugalka iyo dal ku jooga ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Advertisement

Agaasimahan ayaa loo xiray in uu ku lug leeyahay fadeexada musuq maasuq ee hareesay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, waxaana xusid mudan ninkii ugu sareeyay fadeexadan oo ahaa agaasimaha hay’adda Socdaalka diyaarad laga saaray garoonka Aadan Cadde ,si aan loo xirina loogu diray dalka dibadiisa.

Masuulkan la xiray waxa uu kasoo jeeda beesha Murusade gaar ahaan Habar Ceyno, waxaa horey dowladda u xirtay agaasimihii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo isna kasoo jeeda beesha Sheekhaal.

Masuuliyiinta musuqa ugu weyn geestay oo kasoo kala jeeda beelaha Abgaal iyo Habar Gidir dalka ayey isaga baxeen iyada oo loo fududeeyay ,halka kuwa kalana ay dalka joogaan waliba si aan cabsi laheyn ,iyaga oo awooda dadka matela isku haleenaya .

W/Q Gacal Ayman

Previous articleDEG DEG: Masuuliyiinka ka tirsan Bankiga dhexe Soomaaliya & Hay’adda Immigaration oo xabsi loo taxaabay
Next articleMaamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo in si adag loola xisaabtami doono xafiisyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here