HomeWarkiiDowladu ma dayniile ayay weerar ku tahay , maxayse tahay digniinaha is...

Dowladu ma dayniile ayay weerar ku tahay , maxayse tahay digniinaha is daba jooga ah.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Degmada Dayniile oo ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho waxaa u badan oo dega laguna yaqaan beesha Mursade oo uu ka dhashay siyaasiga Xassan Cali Kheyre oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia inkastoo sidaas oo kale Degmooyinka Howlwadaag iyo Warta-nabadana ay ku badan yihiin hadana sida cinwaanka aad ka aragteen qormadeena waxaan diirada ku saareynaa Degmada Dayniile.

Bilihii ugu danbeeyay waxaa si weyn baraha bulshada iyo warbaahinada  u qabsaday muran iyo heysad dhowr marna sababay gacan ka hadal dhimasho iyo dhaawacba sababay kaasoo u dhexeeya ciidamada Booliiska Dowlada Somalia iyo dadka ka soo jeeda Degmada Dayniile taasoo salka ku heysa Dowlada oo rabta inay la wareegto dhul Dayniile ku yaal iyo shacabka oo inta hubkooda soo baxsaday ka soo horjeeda qorshaha Dowlada.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada oo beesha Mursade ka soo jeeda ayaa dhawaan Dayniile gaareen mar banaanbax uu socday waxayna sheegeen in Dowladu u soo socon dayniile xili ay shacabka dejaniyeen hadaba hada maxaa is badalay maxay tahay digniinaha isdaba joga ah ee maalmahaan danbe baraha bulshada lagu shaacinaayo taasoo dadka Dayniile loogu sheegay inuu jiro qorshe Dowladu damacsan tahay oo ah inay weerar ku qaado dayniile.

Xalay oo u danbeysay waxaa saq dhexe baraha bulshada Live ka soo galay nin caanka ah baraha bulshada oo loo garan ogyahay Qabshaxsade kaasoo ka soo jeeda Dayniile, ninkaan wuxuu sheegay inuu helay xog ah in ciidamada Booliska kala duwan ee Dowlada lagu diyaariyay madaxtooyada kuwaasoo weerar ku ah Degmada Dayniile.

Sidaas oo kale 3 maalin ka hor odayaal ka soo jeeda Dayniile ayaa baraha bulshada ka soo muuqday kuwaasoo uga digay Dowlada in la weeraro inay wadooyin badan oo xamar ah xirmi doonaan gaar ahaan marka muda xileedka uu ka dhamaado Madaxweyne Xassan.

Hadaba ma sax baa in Dowladu weerar ku tahay Dayniile yaase saxan oo xaq ku taagan labada dhinac , hadaan ku horeyno reer Dayniile waxay ku doodayan inaanu jirin dhul Dowlo oo ay diidan yihiin inay baneeyaan balse waxa loo socda uu yahay dhul iyaga ay leeyihiin oo la doonayo in laga boobo si sharci daro ah halka Dowladuna ku andacooneyso inay kaliya u socoto dhulka iyadu ay leedahay.

Si kastaba waxa haboon Dowladu iyadaa dalka ka masuul ah ineysan ka shaqeyn wax daadin kara dhiiga shacabka ay masuulka ka tahay ,waxaana wanaagsan ugu yaraan hadii uu run yahay inay weerar ku yihiin Dayniile iney Dowladu ka baraan degto wax kasta oo sumcadeeda dili karta islamarkaana keeni karta kacdoon bulsho.

Hadii ay Dowladu ogtahay dhul iyadu ay leedahay oo Dayniile ku yaal waa inay u marta nidaam sax ah madaama wasiiro,xildhibano iyo saraakiil ciidan oo Mursade ah ay Dowlada ku jiraan taasoo sahli karta in si sharci ah lagu kala baxo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -