Muqdisho(dayniiile.com)-War ka soo baxay Hay’adaha amaanka ee Dowladda ayaa looga hadlay qarax caawa ka dhacay maqaaxida Baar-bulsho oo ku taal nawaaxiga isgoyska Sayidka Degmada Howl-wadaag ee Magaalada Muqdisho.

Warkaan waxaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladu caawa fashiliyeen qarax naftii halige uu rabay inuu dadka maqaaxida  ku laayo.

“Qorshaha dhagarta Khawaarijta nafla caariga ah waxaa fahmay ciidamada  Dowladda,waxana u suurtagashay inuu kaligiis Qarxo iyadoo ay ceyrsanayaan ciidanka ammaanku”ayaa lagu yiri warka ka yimid dhanka Dowlada

Sidoo kale warkaan waxaa lagu sheegay in hal askari oo kaliya uu ku dhaawacmay qaraxaani kaasoo ah mid sahlan.

Maqaaxidaan ayaa maalmo ka hor qarax nuuca ah lagu duliyay.

XAFIISK²A WARARKA

DAYNIIIILE.COM

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here