Waxaa Dalka Kenya maanta lagu soo gaba gabeeyay shirka aqoonyahaannada IGAD oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Dalka Kenya.
Shirkaan oo ka dhacay magaala Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, ayaa waxaa ka soo Qeyb galay aqoonyahano ka kala socda Dalalka IGAD waxaana lagu soo gabagabaynay Mombassa.
Shiirkaan ayaa waxaa Somaliya uga Qeyb galay prof. Cabduraxman Cabdullahi Baadiyow oo ah gudoomiyaha boorka Jaamicadda Muqdishu ahna latilayaha Dastuurka ee Madaxweynaha Somaliya Xasan shekh Maxamuud iyo aqoonyahaanno kale ee Soomaaliyeed.
Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa ka soo qryb galay aqoonyahaanno ka socda Jaamicadaha iyo hay’adaha cilmibaarista. Waxaa lagu lafaguray doorka aqoonta ee nabadda iyo horumarka shucuubta IGAD.
Abdihakim Elmi Hassan
Nairobi Kenya