Dr. C/qaadir Saalax oo ka mid ah qalin-layda Soomaaliyeed, ahna barre wax ka dhiga Jaamacadda Accord ee Muqdisho, ayaa ka digay inaan lagu kadsoomin in mas’uuliyada & masiirka dalka dusha laga saaro shaqsi ama shaqsiyaad koobban, isaga oo u soo jeediyay  qaybaha kala duwan ee bulshada in ay qaataan doorkooda la xisaabtanka hay’adaha dowladda.

“Soomaaliya da aan dooneyno waa tee.? Waa Soomaaliya xor ka ah musuqmaasuq, colaad, ku-takri fal awooda dowliga ah & faqri, intaas waxaa ka horreeysa in la helo bulsho aqoonteedu ka sareyso qabyaalada & laaluushka, waxaan u baanahay saxaafad xor ah & waxgarad dalka laxa-jeclo u qaba” Ayuu yiri Dr. C/qaadir Saalax, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya waxa  qaribay ay tahay hogaan aan ciddina la xisaabtameyn.

“Haddii mustawaha bulshadu isu beddelo mid waaqici ah waa marka keliya ee rajo ay muuqan karto, inta ay xaaladu sidan tahay oo shaqsi kasta ama koox kasta marka ay xika ugu sarreeta  qabato siddeey doonto awooddii dalka ugu takri fasho aysanna jirin cid la xisaabtameysa godkaas aan ku jirno kama bixi doono” Ayuu yiri Dr. Saalax oo hadal dheer ka jeediyay aqoon isweydaarsi ciwaankiisu ahaa: Sidee lagu gaari karaa isbeddel ay bulshadu hormuud ka tahay, oo lagu qabtay Magaalada Nairobi.

Dr. C/qaadir Saalax isaga oo ku hadlayay magaca Jaamacadda Accord faraceedu Nairobi, wuxuu u mahadceliyay ururka dhalinyarada Eastlight [Islii] oo kulankaasi soo abaabulay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here