82 sano ha hor, 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed MIDNIMO BUUXDA. In la mideeyo 5ta Soomaaliyeed iyo in la mideeyo shacabka Soomaaliyeed.
ayada oo laga hortegaayo waxyaabaha kala qaybiya dadka sida qabyaalada siyaasadaysan oo keenta sadbursi, eex, iyo ku takrifalka awoodeed. Haseyeeshee, nasiib daro, waa muuqataa heerka ba’an ay joogto
Midnimada Soomaaliyeed. Dawladnimada Soomaaliyeed kuma dhismayso waxaan midnimo iyo heshiis ahayn. Inta kala qaybinta dadka Soomaaliyeed ka shaqaysa, inta dagaallada hurinaysa, inta maalgelinaysa, dib ha milicsadaan taariikhda hogaamiye xooxeedyadii (warlords). Xagee ku dambeeyeen? Waxay ku baaba’een fowdadii ay iyagu abuureen. Intooda badani waxay ku dambeeyeen qaxooti, ama ay ku dhinteen dagaalaadii. Casharku waa kaas.
Waxaa Qoray: Dr: C/raxmaan Baadiyow

