HomeWarkiiDR: C/raxmaan Baadiyow oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada London iyo...

DR: C/raxmaan Baadiyow oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada London iyo Buug uu halkaas ku soo Bandhigay Sawiro

 

Dr:  C/raxmaan Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahanada  Soomaaliyeed  ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada London ee Dalka UK   Halkaas uu ku soo bandhigay Buug caan Noqday oo Somalida aad ay ula dhacday.

Buugaan uu ku soo bandhigay Dr baadiyow magaalada London ayaa la magac baxay Somaliya oo Radinaysa Hogaamiye aan caadi ahayn. waxaa ka soo qayb galay soo bandhigidaas Buugaas dad iskugu jira aqoonyahano, dhalinyaro Haween oo buugaas aad ugu riyaaqay oo uu qoray Dr baadiyow.

Dr:  C/raxmaan Baadiyow ayaa dadkii uu  halkaas kala  hadlay ayaa uga mahad Celiyay soo  dhawaynta Diiran ee halkaas au ugu soo dhaweeyeen Somalida Dagan UK, Buugaan ayaa ah ama Noqonaya Buug ka  hadlaya xaalada soomaaliya iyo taariiqda Hogaamiyayaashii soo maray Somaliya tan iyo markii Xoriyada ay qaateen.

Buuga oo  la magac baxay Somaliya oo Radinaysa Hogaamiye aan caadi ahayn ayaa waxa uu ka hadlayaa arimo badan oo ku aadan xalada Soomaaliya iyo Siyaasada Soomaaliya oo ah mid 65-kii sano ee la soo dhaafay oo ay Soomaaliya Xor ahayd,, ayaga oo aan Helin Hogaamiye samata Bixin kara ka soo Bilaaw Xukuumadii Milatari ee Dalka xoog ku qabsatay 1961-dii. Marka laga reebo Dowladii Rayidka  ee C/laahi Ciise Maxamuud iyo aadan Cadde.

Waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay xafladaas, oo hadalo kala duwan ka soo jeediyay  Safiirka Soomaaliya ee UK Ambassador Cabdulqadir Haashi, Senetor Hassan Haji, Aqoonyahaan Mohamed Trunji. Iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Sidoo kale aqoonyahadii halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday Muhiimada uu buugan leeyahay, iyo aqoonyahan Dr baadiyow oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Xiligaan Dalka Soomaaliya aan ka bixin tan iyo bur Burkii.

Dr:  C/raxmaan Baadiyow ayaa halkaas ka hadlay, waxa uuna ku dheeraaday Muhiimada  Buugan iyo in Somalida Xiligaan ay tahay in ay ka sii hor maraan Dalalka Geeska afrika, maadama aqoonyahano Soomaaliyeed ay joogaan kuwaas oo Tusaale u ah Jiilka soo socda.

W/Q/ abdihakiim Elmi hassan

Nairobi kenya

Cabdixakiin441@hotmail.com\

Tell +254-711830393

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -