Advertisement

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow, ayaa ka hadlay xaalada Itobiya iyo Muuse Biiixi. Oo ah mid aad loo hadal hayay maalmihii la soo dhaafay.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow  ayaa ku tilmaamay Heshiiska is-afgaradka ee Abiy Axmed iyo Muse Biixi galeen in uu yahay wax ay kala kulmi doonaan wajigabax iyo mustaqbal mugdi ah.Waa in aan kala soocnaa shacabka Itoobiya iyo Abiy Axmed oo aan cadaawo gaar ah loo qaadin shacabkaas.

“  Waa shacab kali-taliye ku habsaday oo colaad la dhax-dhigay. Sidoo kale waa in la kala soocaa shacabka Soomaliland oo intooda badan ka soo horjeedaan heshiiska uu soo galay Muse Biixi iyo rabitaanka Muse Biixi oo ku salaysan inuu helo balanqaad ictiraaf been ah oo horrseeda in mar kale loo doorto madaxnimada Soomaliland” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow.

“  Ruux kasta oo Soomaali ah waa ogyahay in taako dhulka Soomaaliyeed ah uusan jirin ruux bixin kara. Heshiisku wuxuu xadgudub ku yahay gobonimada iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow.

 

Arinka gooni isku taagga Soomaliland oo ku daashay aqoonsi-raadinta 33 sano, waxaa ka furan wada-hadal ay la gasho Dowladda Soomaaliyeed. Hadda, halganka waa in lagu jiheeyaa rejiimka Abiy Axmed iyo Rejiimka Muse Bixi oo kali ah.

Sidoo kale Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow ayaa ku tilmaamay Muuse Biixi Cabdi shaqsi ku fashilmay Maamulka Somaliland oo uu Rabo in uu ku heesto Xoog meesha, 5 Sano marka ay u dhamaato shacabka Somaliland u soo jeediya Been luga leh oo uu Mar kale Xilka ku sii joogo.

Dhinaca kale  Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow ayaa ah aqoonyahan wax ka yaqaano shuruucda caalmaka, waxa uuna Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku tilmaamay shaqsiyaad ayaga oo soo jeeda Riyoonaya.

Cabdixakim Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

Email-Cabdixakiin441@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

.

Previous articleDagaal-yahanada Xuutiyiinta oo weeraray Markab Xamuul oo Mareykanku leeyahay
Next articleDEG DEG: Naftii halige isku qarxiyay Xarunta Dowlada Hoose ee Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here