Wasiirkii Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhoweeyay xil ka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo horay ugu magacaabay Xilkaan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu ku faraxsan yahay kaalinta uu ka qaatay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, hagaajinta maaliyadda iyo howlaha kala duwan ee uu kasoo qabtay dalka muddada uu xilka Wasiirka Maaliyadda hayay.

Advertisement

“Waxa ay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa” ayuu yiri Wasiirkii Maaliyadda XFS ee xilka laga qaaday.

Waxa uu sheegay in uu xafiiska ka tegayo isaga oo bixiyay dhammaan mushaarka shaqalaha Dowladda isla markaana casriyeeyay hannaanka furdooyinka, xoojiyay maamulka guud ee Maaliyadda iyo maamul wanaagga waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu Isku dayay sidii siyaasadda looga ilaalin lahaa Barnaamijka dib u habeynta Maaliyadda si dadka Soomaaliyeed loogu adeego si wax u ool ah.

Wasiirka lagu baddelay ee Biixi Iimaan Cige u rajeeyay in uu alle ku asturo xilka uu kala wareegayo isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku garabsiiyo kaalmada uu uga baahdo waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirkii maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamed Nuur.

Dr Cilmi waxa uu muddada uu joogo xafiiska uu ka shaqeeyay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya isaga oo kulamo guud iyo kuwo gaar ah la qaatay Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka, Dalalka Deynta ku leh Soomaaliya & dhinacyo kale oo udub-dhexa

Previous articleSHIR GAAR AH OO GAROOWE UGA SOCDA MADAXWEYNE KU XIGEENKA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMANKA PUNTLAND
Next articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka loo heysto Eedaha musuq maasuq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here