HomeWarkiiDr. Xuseen Sh. Maxamuud  oo buuxiyay Xilkii uu baneeyay C/raxmaan Odowaa 

Dr. Xuseen Sh. Maxamuud  oo buuxiyay Xilkii uu baneeyay C/raxmaan Odowaa 

Dr. Xuseen Sh. Maxamuud  ayaa buuxiyay Xilkii uu baneeyay C/raxmaan Odowaa kadib kulan ay yeeahay Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Haddaba qoraal caawa la soo dhigay barta Facebook ee JSP oo warkaan lagu faah faah-faahiyay ayaa sidan u qornaa:-

Si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), Guddoonka sare ee Ururka ayaa Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Ku-xigeenka Xoghayaha Guud u dalacsiiyay inuu si rasmi ah u noqdo Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Sidoo kale, Guddoonka Sare ee Ururka ayaa Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne) oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Siyaasadda u dalacsiiyay inuu noqdo Xoghaye ku-xigeenka Guud ee Ururka.

Dhammaan Xubnaha iyo Guddoonka Sare ee Ururku waxay ugu hambalyaynayaan xubnahan xilalka muhiimka ah ee Ururku u xilsaaray, waxayna u rajeynayaan guul.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -