KALOGI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Sudan ayaa sheegaya in diyaarad nuuca aan duuliye lahayn ay dad shacaba ku xasuuqday Magaalada Kalogi oo ka tirsan gobolka Koonfurta Kordofan ee dalka Suudaan.
Goobta la weeraray ayaa la sheegay inay ahayd xarun lagu xanaaneeyo caruurta waxaana halkaasi ku dhintay 50 ruux kuwaasoo 33 ka mid ah ay ahaayeen caruur.
Kooxda falaagada ah ee RSF ayaa lagu eedeeyay inay weerarkaasi ka danbeeyeen taasoo ahayd xasuuq shacab, warbaahinta dunida ayaana aad u hadal heysa dhacaddaani naxdinta iyo murugadaba leh.
Suudaan waxaa ka qarxay dagaalo sokeeye oo u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo kooxdaan RSF kaasoo soo taagnaa tan iyo bishii April 2023 , Si kastaba Kooxda RSF wali jawaab rasmi ah kama bixin xasuuqaan lagu eedeeyay inay iyaga gaysteen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
