CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Taliska Ciidamada Africom ee Mareykanka ayaa shaaciyay inay mar kale duqeyn ka gaysteen Somalia gaar ahaan buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari maamulka Puntland halkaasoo ay fariisimo ku leeyihiin dagaalamayaasha Daacish.
Mareykanka ayaa cadeeyay inay gododka togga Baallade ai gaar ah ugu bartilmaameedsadeen daacish halkaasi gabaad ay u tahay inkastoo aysan wax fahfaahin ah ka soo saarin hadii ay jiraan khasaare gaaray kooxda Daacish.
Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drons-ka ayaa fuliyay duqeymaha kuwaasoo inta badan loo adeegsado duqeymaha Daacish inkastoo dhanka dhulka ay ka dagaalamayaan ciidamada daraawiishta Puntland.
Mareykanka sida qorshahoodu yahay way joojiyaan inay ka warbixiyaan khasaaraha ay ogyihiin inay geystaan gantaalada ay la dhacaan dagaalamayaasha Daacish sababtana lama oga.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
