Drs. Sucaad Abdulrehman oo ah dhaqtarad ku taqasustay cudurada ku dhaca dhimirka & kuwa jinsiga, oo fadhigeedu yahay Magaalada Hilversum ee waddan Netherlands, ayaa wareysi lala yeeshay waxeey kaga hadashay kororka xanuunada dhimirka ku dhaca, sida loo daweyn karo & saameynta ay bulshada ku keenaan.

Sucaad, mar ay ka hadleysay xaalada dadka qaba xanuunka dhimirka ee ku dhaqan dalkeena waxey sheegtay inuu jiro dayac, waxeyna ka dalbatay Dowladda Soomaaliya & hay’adaha xuquuqda aadanaha in dadkaasi la siiyo daryeel gaar ah.

Advertisement

Wareysigan oo ay Sucaad siisay dalladda FSAN ee ay ku middeysan yihiin ururada Soomaalida ee ka dhisan waddanka Netherlands, waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in dhaqanka Soomaalidu uu kaalin weyn ka qaadanayo habka fududeynta daweynta cuduradaasi, iyada oo dadku marka uu ku dhaco xanuunka maskaxda halkii dhaqtar la geyn lahaa, ehelada qaar leeyihiin qofkaan waa la sixray oo meelo kale lala aadayo.

Sucaad waxaa kale oo ay ka hadashay isticmaalka maandooriyaha, waxeyna tilmaantay caruurta Soomaalida ee qurbaha inuu fara ba’an ku hayo isticmaalka nuucyada kala duwan ee daroogada, sida xashiishada, halka dalkeena isticmaalka maandooriyaha qaadka uu kaalin weyn ka qaato kororka xanuunka ku dhaca maskaxda.

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA OO DHAMEYSTIRAN.

(5) Drs. Sucaad “Maskaxda qofka qaadka waxey leedahay dhibca madow, halka qofka aan cunin……WAREYSI] – YouTube

Previous articleFaahfaahin laga helayo qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Next articleDhallinyaro Soomaali ah oo ku dhintay shil ka dhacay Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here