Duleedka magaalada Hamburg

Nin Suuriyaan ah 33 Jir ah ayaa xaaskiisa kala daalay oo la dhacay midi sidaasna ku dilay. Goob wado ah oo u dhaw magaalada Hamburg

Waxay ahaayeen lamaane Suuriyaan ah oo ku noolaa dalka denmark sida ay booliska sheegeen.

Waxaa la arkay gaari Suzuki ah oo wadada wayn ee baabuurta ay maraan taagan oo hortiisa ay taalo haweenay tooray Luqunta iyo dhabarka lagala dhacay oo Dhiig qariyay, iyo ninkeedii oo agtaagan isagoo mididii gacanta ku haysta oo wada Dhiig ah isna.

Booliska ninka oo aan wax iska caabin ah samayn ayay gacanta ku dhigeen waxaana loo qaaday xabsi dadka cilaashka ah ama maskaxda ka xanuusan., isagoo loo haysto dil arxan daro ah oo uu u gaystay Qof haweenay ah

Gaariga ay wateen ayaa Waxaa ku xidhay taariko Berlin ah.

Boolisku Waxay sheegeen in ilaa hada aanay caday sababta ninkaasi uu u dilay haweenaydaas.

Balse ay baadhitaan samaynayan.

Xigasho Somali Jemani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here