HomeWarkiiDuqa Magaalada Muqdisho oo saaka dhagax dhigay laami la saarayo markii ugu...

Duqa Magaalada Muqdisho oo saaka dhagax dhigay laami la saarayo markii ugu horeysay wadada Xaafada Jamhuuriya+SAWIRRO

May be an image of textMuqdisho, Janaayo 08, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa khamiista maanta ah dhagax-dhigay mashruuca dhismaha waddada laamiga ah ee Jamhuuriya oo dhererkeedu yahay 3.4 KM (Ku-dhawaad Seddex Kilomitir iyo Bar), taasoo marka labada dhinac la isku daro ka dhigaysa 7KM (Ku-dhawaad Todobo Kilomitir).

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo munaasabadda dhagax-dhigga khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in canshuuraha laga qaado shacabka caasimadda dib loogu celinayo horumar muuqda oo la taaban karo, gaar ahaan dhismaha kaabayaasha muhiimka ah.

“Canshuurta aan ka qaadno shacabka Muqdisho waan u ballan-qaadnay inaan dib ugu celinayno, waddooyinka aan dhisnay, kuwa socda iyo kuwa maanta billowday ayaana marqaati ka ah.” ayuu yiri.

Isagoo intaas ku daray in mashruuca dhismaha Waddada Jamhuuriya uusan ahayn mid munaasabad iyo igu-sawir uun ku eg, balse uu yahay mid si buuxda loo maalgeliyay.

“Waddada Jamhuuriya marar hore waa la dhagax-dhigay, balse tan maanta ma aha sawir; lacagtii waan bixiyay, (Wejiga Koowaad) dhismuhuna isla maanta ayuu billaabanayaa.” ayuu yiri.

Waddadan oo yeelan doonta ballac dhan 30 mitir, ayaa lagu dhisi doonaa halbeegyo casri ah. “Waddadu waa 30 mitir, dhisme kasta oo jidka soo galay waa la duminayaa, dukumentiyadii dambena waa la kansalay, waxaana dhisaynaa waddo tayo leh oo u qalanta caasimadda Muqdisho.” ayuu hadalkiisa sii saaciyay.

Mashruuca dhismaha waddada Jamhuuriya ayaa la filayaa in uu door muhiim ah ka qaato horumarinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga, kor-u-qaadista bilicda magaalada, iyo abuurista jawi nololeed oo ku habboon shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan.

DHAMMAADMay be an image of one or more people and streetMay be an image of ‎text that says "‎ሲሲያዳ JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIVA MAAMULKA GOBOLKA RAILADIN RABIE DOWLADDA HOOSE EE XAMAR GRANAADIR ADIR GBAN MUNAASABADDA DHAGAX DHIGGA DHISMAHA WADDADA LAAMIGA 3.4KM JA MHUURIYA EE DEGMADA KAARAAN MeadDesign JUUTIN اا ACLT0 ៣ 圖 08. 08.01.2026 2026 WaddadaJamhuuriya Waddada Jamhuuriya‎"‎May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and text that says "ORNOALAAMIN 0617651013 06176510130615831081 AAMIN ORNOAL EI -613241185 I"May be an image of one or more people, road and streetMay be an image of textMay be an image of one or more peopleMay be an image of dais and textMay be an image of text that says "MUNAASABA NAOGA IA GA A DH DHASAX GAX DHIGGA DHISMAHA WA "JUBI FE DEGM DEGMYA л KAA Read Desigin เริผิ a 南決 tese2 " Wad uuriya"May be an image of streetMay be an image of one or more people and text that says "KETJUMLO ARI JUMLO KET ALAAM 发み"May be an image of ‎one or more people and ‎text that says "‎HAGAX DHIGGA DHISMAHA WAD JAM JAMOURIYA γЛ י#מחיי DEGRA KAAR esign 200ml 200mm mm 200 60 Wad‎"‎‎May be an image of one or more people and weddingMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, dais and text that says "GAY GAYJHIGG DHIGGA Ι3MAHΑ WA MT WAP IyA E EGMA KAA AC AC70mm 70 mm D Waddada hi a"May be an image of textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and street

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -