Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa si kulul uga hadlay Ganacsato beeshiisa u dhalatay kuwaasoo uu tilmaamay inay ka cabsadaan Al-shabaab.

Gudoomiye Madaale oo ka hadlaayay kulan beeshisu ku yeelatay Muqdisho loogana hadlaayay garab siinta Dowlada ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Alshabaab.ayaa si adag ula hadlay Ganacsatada reerkiisa kuwaasoo uu xusay inay Shirarka nuucaan uga baaqdaan cabsi ay ka qabaan Alshabaab.

Advertisement

” Ganacsatada ka cabsata Alshabaab ee aan Dowlada ka cabsaneyn waxaa balan ah inaan Xabsiga ku gurno” ayuu yiri Gudoomiye Madaale

Duqa Muqdisho wuxuu intaasi ku daray in ganacsatda marka loo yeero kala noqdeen mid maqnaada iyo mid wajiga duubta cabsi ay Al-shabbaab ay ka qabaan darteed,wuxuu carabka ku adkeeyay inay la xisaabtami doonaan kuwa nuucaas ah.

XAFIISKA WARARKA DAYNIIILE.COM

MOGADISHU-SOMALIA

Previous articleCiidamo ku heyb ah Madaxweynaha Somalia oo duulaan ku ah deegaanadii dhawaan Alshbaabku qabsadeen
Next articleMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kuwa jaha degmada Maxaas waa maxay ujeedka safarkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here