HomeWarkiiDuqa Muqdisho oo amar ku bixiyay in la furo wadada dhismaha loo...

Duqa Muqdisho oo amar ku bixiyay in la furo wadada dhismaha loo xirey ee nawaaxiga Isgoyska Zoope

Muqdisho, 31 Ogoosto 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha Laamiga Soobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo maraya heer gabo-gabo ah.
Intii uu ku sugnaa goobta, Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka raalli geliyay ciriiriga ka dhashay dhismaha waddadan iyo dib-u-dhaca ku yimid, isagoo xusay in sababta ay tahay roobka xilliga iyo in shirkadda dhismaha lagula heshiiyay in ay dhisto laami tayo sare leh oo aysan biyuhu fariisan karin.
“Waxa aan ka xumahay saxmadda ka dhalatay dhismahan, waana ka warqabnaa cabashadiinna. Sababta dib-u-dhaca ayaa ah in aan dhisno laami tayo leh oo aysan biyuhu fariisan karin. Waa in 48 saac gudahood laamigaan lagu furo,” ayuu yiri Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Kormeerka maanta waxaa Duqa Muqdisho ku wehlinayay: Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Md. Cabdimajiid Daahir Aadan, Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
DHAMMAAD
May be an image of 8 people and textMay be an image of 5 people, train, street and textMay be an image of 11 people and suitMay be an image of 10 people, suit and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of 7 people, beard and suitMay be an image of 10 people and suitMay be an image of 12 people, motorcycle, bicycle, street, road and text that says "Cumtr Sincel Since @SIMI sambel"May be an image of 11 people, suit, wedding and roadMay be an image of 10 people and textMay be an image of 6 people, street and text that says "QUA"May be an image of 3 people and suit
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -