Muqdisho (dayniiile.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa  damaanad qaaday xaalada caafimaad Askari qaranka dartiis u naafoobay.
Askarigaan oo ah wiil da’yar ayaa lagu magacaabaa Cumar Cali Axmed oo ah geesi katirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Dhibanahaan waxaa dhaawac weyn uu ka soo gaaray qarax ay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab xili uu hor taagnaa xerada ciidamada iyadoo wararka qaarna sheegayaan inuu ka mida ahaa wiilal saf ugu jirey ku biirista ciidamada Milatariga Soomaaliya.
Aabo Ali Axmed oo dhalay wiilka dhibanaha  ah ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) sida naxariista leh oo uu uga damqaday xaalada wiilkiisa dhibane  tacaalida xaaladiisa caafimaad.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.
Previous articleXildhibaanada labada Aqal oo Maanta meel marsadeen mushaar kordhin
Next articleIsbitaalka taqasusiga ah ee DALMAR oo xarun labaad ka furtay Muqdisho+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here