MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa deeq dawo ah uu ugu talo galay ciidamada macawisleyda Beesha Xawaadle wuxuu maanta ku wareejiyay Xildhibaanada beeshaasi ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Duqa Muqdisho oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca Deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha Alshabaab.
Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo xildhibaanada ka soo jeeda Hiiraan ayaa goob joog ka ahaa munaasabada deeqda dawada lagu wareejinayay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM