Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Hirgelinta Biya-Mareenka iyo Nadiifinta Biyaha Qashinka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, kaasi oo qeyb ka ah Qorshaha wax ka qabashada bulaacadaha Magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcale, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Maareeye Kuxigeenka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Guddoomiyaha Degmada Waabari Mudane Maxamed Sheikh Sayid iyo marti sharaf kale.

Advertisement

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Dowaladda Hoose ee Xamar ay ka go’an tahay sidii sanadkan 2024 xal waara loogu heli lahaa Bulaacadaha iyo Biya qabadyada Magaalada Muqdisho.

Previous articleGudoomiyaha Maxkamada oo diiday codsiga Abuukaate Dudaaye
Next articleDowlada oo soo dhaweysay Go’aankii Midowga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here