Muqdisho, 14 September 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dhameystirka dhismaha wadda Laamiga ee Degmada Kaxda, iyada oo dhagax dhigan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir.
Dhismaha Waddadan ayaa qeyb ka ah Mashruuca dalkaaga hal doolar ku dhiso ee uu hirgeliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) kaasi oo lagu hor-marinaayo kaabayaasha Caasimadda iyo goobaha danta guud.
“Waxaa la iga dhaxli doonnaa waddo la maro ee la igama dhaxli doonno, beeso jeebka lagu shubto” ayuu yiri Duqa Muqdisho, asigoona shacabka ugu baaqay in la iska kaashado horumarka iyo dib-u-dhiska Caasimadda.
— DHAMAAD —










