MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta qaaday talaabo ku dayasho mudan.

Duqa Xamar wuxuu maanta dalka dibadiisa u diray 6-ruux oo ka tirsan shaqaalaha Gobolka  Banaadir kuwaasoo xanuuno ay qabaan dalka gudihiisa wax looga qaban waayay.

Advertisement

Gudoomiye Madaale oo murug ay ka muuqatay ayaa sheegay in Gabar ka mida bukaanada uu xanuun ku taagan yahay xiligaan.

“Alle ayaa caafimaadka bixiya balse naftooda ayaa ku qanacsan isbitaal dalka dibadiisa ah madaama dhaqaatiirta gudaha ay cadeeyeen inaan dalka wax loogu qaban karin jiradooda ayna u baahan yihiin adeeg dibada ah”ayuu yiri Gudoomiye Madaale.

Lixda bukaan ayuu sheegay gudoomiyihu inay direen maanta kana dhoofeen garoonka diyaaradaha Xamar.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMid ka mida musharixiinta Puntland oo geeriyooday
Next articleDAAWO: C/raxmaan C/Shukuur Warsame oo sharaxay Dastuurka farqiga u dhexeeya wax ka badalkiisa iyo Dhameystirkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here