HomeWarkiiDuqa Muqdisho oo Imaaraadka Carabta kala wareegay laba gaari oo nuuca dab-damis-ka...

Duqa Muqdisho oo Imaaraadka Carabta kala wareegay laba gaari oo nuuca dab-damis-ka ah+SAWIRRO

May be an image of ambulance and text𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟕, 𝟐𝟎𝟐𝟓: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta Dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay laba gaari oo dab-damis ah oo casri ah, kuwaas oo gacan ka gaysanaya gurmadka dabka dhismayaasha dhaadheer ka kaca.

Deeqdan ayaa qayb ka ah iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana ay ka dhalatay wadahadallo dhowaan uu Duqa Caasimadda la yeeshay Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, H.E. Ahmed Juma Mohamed Al Remeithi, oo diiradda lagu saaray kor-u-qaadista adeegyada bulshada, gaar ahaan dab-damiska iyo nadaafadda magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in uu rajaynayo in tallaabadani ay billow wanaagsan u noqoto iskaashi ballaaran oo u dhexeeya labada magaalo ee Abu Dhabi iyo Muqdisho, isla markaana kor u qaadi doonta awoodda Maamulka Gobolka Banaadir ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.

Munaasabadda lagu wareejinayay gaadiidka dab-damiska waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo mas’uuliyiin kale oo heerar kala duwan oo ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Iskaashigan ayaa muujinaya sida ay Dowladda Imaaraadka Carabta uga go’an tahay taageerida dadaallada dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada, sida amniga, nadaafadda, iyo dab-damiska.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

May be an image of one or more people and textMay be an image of ambulance and text that says "DALE MAOU S0DUMS90414 45G1 ಡಿ B SÜD HAMBURG FIRE & 3 I Τ N RESCUE FIRE FIRE&RESCUE & RESCUE"May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of text that says "seaco e HDUMSEIE BUK BUK IRE& TRE&RESCA RESC RE RE RE& RE&UESCI & ESCI"May be an image of one or more people, ambulance and text that says "". RE RE&CESCU & ESCU"May be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of ambulance and textMay be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people, ambulance and text that says "& &RESCIAE &R &OORESCL O"May be an image of one or more people, ambulance and text that says "IRE RESCUE CNHTS Pi 1٠١"May be an image of one or more people, ambulance and text that says "IRE& RE&SCUE RE & SCUE FI"May be an image of one or more people, dais and text that says "SCI SCIC NHTC"May be an image of ambulance and text that says "प SIDE 市量90 90414 55H SLE FIRE FIRE&RESCUE & RESCUE FIRE RE&URESCUE & RESCUE"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -