Muqdisho, 29 November 2023: Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa  Maanta Abaalmarin guddoonsiiyay xubno ka tirsan Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaasi oo muujiyay howl-karnimo iyo kasoo dhalaalid shaqooyinkii ay u hayeen Maamulka iyo Shacabka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in qof weliba lagu abaalmarin doonno shaqada uu qabto si loo dhiirgeliyo, asigoona ku booriyay howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir in ay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan Bulshada.

Advertisement

Agaasimaha Guud ee Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Suudi, Madaxa Xafiiska Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud Mudane Bashiir Nucmaan Sheekh Cumar iyo Madaxada Ganaaxyada Gaadiidka Nadaafada Mudane Cali Xasan Cali ayaa la guddoon siiyay abaalmarin lacageed.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗—

Previous articleShirkada Kenya Airweys oo mar kale Muqdisho ka howl bilaabeysa
Next articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here