HomeWarkiiDuqa Muqdisho oo maanta isku diiwaan geliyay doorashooyinka tooska ah+SAWIRRO

Duqa Muqdisho oo maanta isku diiwaan geliyay doorashooyinka tooska ah+SAWIRRO

May be an image of 7 people and text𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐, 14 𝑱𝒖𝒍𝒚 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta qaatay kaarka codbixiyaha ee doorashooyinka qof iyo codka ah, asigoona iska diiwaangeliyay Degmada uu dagan yahay ee Kaaraan.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin weyn oo aan waligiis soo marin, isagoo sheegay in uu ka mid noqday shacabka Soomaaliyeed ee fursadda u helay in ay wax doortaan ama la doorto. “Maanta waxa ay ii tahay maalin weyn oo waligeey isoo marin, waxaan helay xaquuqdeyda siyaasadeed oo ah in aan wax doorto ama lay doorto waxaan shacabka ugu baaqayaa in ay is diiwaangeliyaan oo ay go’aan ku yeeshaan masiirkooda siyaasadeed”.
Guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay, si uu u dhaqan geliyo ballan qaadkiisii ahaa in uu dalka ka qaban doono doorasho xor iyo xalaal ah, waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay u dareeraan goobaha isdiiwaangelinta si ay u doortaan madaxda hoggaamin doonto ee heer degmo, heer gobol illaa heer qaran.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—May be an image of 8 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and clothes ironMay be an image of 2 people and people studyingMay be an image of 2 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 13 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 13 people and textMay be an image of 2 people and people studyingMay be an image of 1 person, crowd and text that says "NO SARKING BARKING ARKING"May be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of 11 peopleMay be an image of 2 people, dais and text that says "COD GOD BIXIYAASHA AM 'LKA ٨ BANO&DIR BAN DIR"May be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people, crowd and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -