HomeWarkiiDuqa Muqdisho oo maanta shaaciyay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran...

Duqa Muqdisho oo maanta shaaciyay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee Muqdisho

𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐, 02 𝑨𝒖𝒈 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee Degmada Hodan.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii shacabka dib loogu celin lahaa canshuurta laga qaado, si loo horumariyo adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha, waxa uuna ballan qaaday fulinta dhismaha waddooyin kale oo laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho, kuwooda aan culeeska amni ka imaaneenin, si loo fududeeyo isku socodka bulshada, waxa uuna bulshada ugu baaqay in lala shaqeeyo hey’addaha amniga.
Munaasadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Md. Xasan Maxamed Jimcaale,, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka, Ganacsato, hay’addaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—May be an image of 7 people and text that says "DEG-HD DEG-A Dhagax dhida dhismaha wadada aamu saafi afi iaamushaf fiooieis S e is istu eisguxirtucabd_.sim xirt-cabd cabdoasim cabd xirt asim yo yoha h GOC De aa Deada aNoda oda A st,"May be an image of 8 people, suit and weddingMay be an image of 9 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 14 people and textMay be an image of textMay be an image of textMay be an image of 4 people, dais and text that says "DM U All All া Mejao Dhagax dhi imi-enu im าน shamfic ici sha b"May be an image of 4 people, dais and text that says "DM U All All া Mejao Dhagax dhi imi-enu im าน shamfic ici sha b"May be an image of ‎7 people and ‎text that says "‎DEC-HODAN Dhagax dhiga dhismaha wadada aaminhaafic. aamı haafic e iskt isklekirta kirta bdiqa ivr הדחד B da Hod Taar 02 us J2!‎"‎‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -