BAGDAAD, 25 January 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Bagdaad Mudane Camaar Muuse Kaadim.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarada iyo caqabadaha ka jira Magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo labadaba kasoo kabanaya colaado sokeeyay, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireen ee ka dhaxeeya labada shacab, iyadoona la isla qaatay in lakala saxiixdo is-afgarad ku qotoma sidii dib loo bilaabi lahaa iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex mara labada Magaalo.

Advertisement

Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hadiyado iyo shahaado sharaf guddoonsiiyay Duqa Magaalada Bagdaad Mudane Camaar Muuse Kaadim.

—DHAMAAD—

Previous articleMadaxweyne Saciid Dani oo sheegay inay dhigeen Gogol lagu xalin doono khilaafaadka siyaasiga ah
Next articleAxmed Madoobe muxuu uga baaqday caleema saarkii Saciid Danni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here