Muqdisho, 05 December 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Madaxa Hey’adda UNOPS Dr. Ala.a Nemer, ayaa ka wada hadlay sidii loo da-dajin lahaa diyaarinta naqshada biya-mareennada Magaalada Muqdisho, kadib sahmin iyo daraasad ku aadan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada lagu qabo Biya-mareenadan oo ay isla sameeyeen Dowladda Hoose ee Xamar iyo UNOPS.
Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay diyaarinta dhameystirka naqashdaha biya-mareennadan (Masterplan for Trunk Drainages for Mogadishu City) iyo dardargalinta fulintooda, sidoo kale in dib loo hagaajiyo biya-mareennadi hore si xal waaro looga helo dhibaatada ay ku hayaan biyaha Magaalada Muqdisho.
Labada dhinac ayaa isla qaatay qaabka ugu wanaagsan ee loo xallin karo maareynta biyaha roobka ee Magaalada Muqdisho iyadoona la isla qaatay in la dhameystiro wejiga koowaad ee naqshada si loo bilaabo dhisamaha biyo mareenka qeebtiisa ugu horeysa bilaha ugu horeeya sanadka cusub ee 2024.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗—
May be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people
Previous articleDhex dhexaadintii Puntland oo fashil ku soo dhamaatay
Next articleWiil iyo Abtigiis lagu dilay Dalka Koonfur-Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here