MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saakay booqday halka uu ka socdo tababarka Xulka ciyaartoyda kubada cagta ee Gobolka Banaadir .

Tababarkaan oo ka socda Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ayuu Gudoomiyuhu ugu tagay ciyaartoyda inuu u sameeyo dhiiri gelin xili uu daqiiqado koobana ka qeyb qaatay tababarka iyo aalmiitada.

Advertisement

Cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Maamulka Gobolka Banaadir waxay u diyaar garoobayaan ka qeyb galka Tartanka Cayaaraha Maamul Goboleedyada ee lagu wado in maalinta barito oo jimco ah uu ka furmo Garoonka Muqdisho Stadium.

Mar uu la dardaarmayay ayuu sheegay Gudoomiye Madaale in xulka Gobolka Banaadir uu heysto taageero balaaran oo ah shacabka usoo daawasho tagi doona madaama iyaga marti loo yahay .

“waxaan idinka rajeynaa inaad niyad jabinina taageerayaashiina faraha badan ee idin sacbin doona kulamadiina, guulo wax ku ool ahna aad ka keentaan tartamada “ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhanka kale Duqa Muqdisho  wuxuu Maamulka iyo Macalimiinta Daadir amiin,Caadil Nuur Cali iyo kuwa kalaba
kaga mahadceliyay dadaalka ay wadaan ee ku aadan diyaarinta ciyaartoyda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 3 people and text
May be an image of 12 peopleMay be an image of 6 people, people playing football and people playing American footballMay be an image of 5 people and textMay be an image of 10 people, people playing football, people playing American football and textMay be an image of football, american football and studded shoesMay be an image of 2 people, newsroom and textMay be an image of 2 people and text that says "AZ"May be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 6 people, people playing American football, people playing football and text that says "Bank IBS"May be an image of 9 people, people playing football, people playing American football and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 11 people, people playing American football and people playing footballMay be an image of 7 people, people playing American football and people playing footballMay be an image of 11 peopleMay be an image of 3 people, people playing football, people playing American football and grassMay be an image of 8 people, people playing football and textMay be an image of 7 people, people playing football, people playing American football and textMay be an image of 7 people, people playing football, people playing American football and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people, people playing football, people playing American football and textMay be an image of 4 people, people playing American football and textMay be an image of 10 people and people playing American footballMay be an image of 6 people, people playing football, people playing American football and text
Previous articleQodobadii kala duwanaa ee xalay uu ka hadlay Madaxweyne Xasan+SAWIRRO
Next articleSarkaal Booliis ah oo isku dilay ismaamulka Meru

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here