HomeWarkiiDuqa Muqdisho oo shaaciyay in cid gaara aysan Muqdisho sheegan karin.

Duqa Muqdisho oo shaaciyay in cid gaara aysan Muqdisho sheegan karin.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in Muqdisho ay tahay caasimada qaranka Somalia sidaas daraadeed ay ka dhaxeyso shanta somali weyn.

Gudoomiye Muungaab wxuu xusay oo in cid gaara aysan sheegan karin lahaanshaha Magaalada Muqdishi,islamarkan ay tahay caasimada ummada Soomaaliyeed.

“Somali kasta Xamar waa magaaladiisa lagmana xignsan karo , oo shanta Somali weyn ayay caasimad  tahay”ayuu yiri Xassa  Muiugaab.

Gudoomiyaha mar uu ka hadlayay arima doorashooyinka qof iyo cod wuxuu daboolka ka qaaday in xamar amaankeeda uu xiligaan  yahay “Muqdisho waxay ku talaabsatay horumar dhanka amniga,iyo dhaqaalaha,waxayna mar kasta tahay astaanka midnimada Somali weyn”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab

Sidoo kale Muungaab wuxuu sheey in qof kasta oo muwaadin ah ee yimaada caasimada in gacantiisa wax ku doonan karo isna .la dooran karo madaama xamar tahay caasimada somali weyn.

XAFIISKA WARRKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -