HomeWarkiiDuqa Muqdisho oo xariga ka jaray wadada Zope oo dib u dayactir...

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray wadada Zope oo dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyay+SAWIRRO

Muqdisho, Siteembar, 08, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Wadada Soobe, oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.

Wadadan oo xiriirisa Hoggaanka Dambi-baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) ilaa Isgoyska 14-ka Oktoobar, oo sidoo kale loo yaqaanno Soobe, ayaa ka mid ah waddooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda.

Intii lagu guda jiray munaasabadda xarig-ka-jarka, Guddoomiyaha ayaa xusay in Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in muwaadiniinta lagu celiyo adeegyada ay xaqa u leeyihiin, iyadoo loo marayo maamul daahfuran oo cashuurta shacabka ku beddelaya adeeg muuqda.

“Wadadan maanta aan xarigga ka jarayno waxa lagu saleeyay qorshe casri ah oo aan ku xaqiijinayno in marinnada bullaacadaha ay si toos ah ugu shubmaan badda, isla markaana la diyaariyay marinno loogu talagalay xarkaha korontada iyo tubooyinka biyaha. Arrintan waxa ay muujinaysaa sida aan hor-tebinta u siinnay in aan tayada iyo waaridda adeeggan hormuud uga dhigno shaqadeena.” ayuu yiri guddoomiye Dr. Muungaab.

Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sidoo kale ku nuux-nuuxsaday in Dowladda Hoose ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic la mid ah kan maanta la hirgeliyay, si bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan caasimadda, ay u helaan adeegyo kaaba horumarka.

DHAMMAADMay be an image of 8 people, dais and text that says "NA DOWLADA HOOSE EE XAMAR BADDA ARI ARIOARKA RKA OAιO HON ADAJI UDHISKA WA O AY LISEY ADA zo HOOSE MU MoCH 20 08! Wadd Dc"May be an image of 1 person, road, skyscraper, street and textMay be an image of 3 people and text that says "Seos n 50 101 T JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR DOWLADA HOOSE EE XAMAR //28л. SOOWAAUINA AGOSOLKAS DONILADA 華しA00だ税(戦は R株は HOOSE ASABADDA XARIGJARKA DIB UDHISKA WADDADA ZOBE KM5 E YINKA HODAN IYO WADAJIR 00 AY FULISEY D/HOOSE EE MUQDSHO KA KAHOR HOR 08 Sep, Sep, 2025 JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOBOLKA ANAADIA BOWLADA NOOSEE KADIB WaddadaZoobe Loobe docol GROUP"May be an image of 7 people and textMay be an image of 12 people and textMay be an image of 10 people, suit, street, road and textMay be an image of 8 people, crowd and textMay be an image of 12 people, road and textMay be an image of 13 people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of 11 peopleMay be an image of 8 people and text that says "LOPPE ROPPEPLAZA PLAZA"May be an image of ‎8 people and ‎text that says "‎عممد JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR DOWLADA HOOSE EE XAMAR 0 ID HU XAE ٧ IY JARK NADA GBANAADIR DIB UDHISKA WA R 00 AY LISEY ADA ZOP HOOSE Ει KM5 IUQDS Waddada be Thh‎"‎‎

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -