𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐞𝐞𝐝𝐲𝐨.
𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐, 21 𝑱𝒖𝒏𝒆 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa magacaabay.
1- Mudane Xuseen Cabdulle Maxamed Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir.
Waxaana xilalkii laga qaaday; Md. Xasan Cali Cabdiraxmaan iyo Md. Cabdinaasir Xirsi Iidle.
2- Farxiya Maxamed Yuusuf, ayaa loo magacaabay Madaxa TV-ga ee Waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir.
3- Jacfar Maxamed Cali, ayaa loo magacaabay Madaxa Idaacada ee Waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay mas’uuliyiintaan in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee Waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
