𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐞𝐲𝐚𝐚𝐥.
𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐, 12 𝑱𝒖𝒍𝒚 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay.
1- Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir. Waxaana xilkii laga qaaday Md. Maxamed Yuusuf Nuur.
2- Mudane Axmed Cabdisalaan Cusmaan waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Teknolojiyada iyo Logistikada G/Banaadir. Waxaana xilkii laga qaaday Md. Yuusuf Cabdi Calasoow.
3- Mudane Cabdirashiid Maxamed Xuseen, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Canshuuraha D/Hoose ee Xamar. Waxaana xilkii laga qaaday Marwo Sowda Xuseen Suudi.
4- Mudane Nuur Xuseen Xasan, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Suuqyada D/Hoose ee Xamar. Waxaana xilkii laga qaaday Maxamed Cabdi Cujub.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay mas’uuliyiintaan in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee loo idmaday.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—




