HomeWarkiiDEG DEG: Duqa Muqdisho oo xilalka ka qaaday gudoomiyayaal Degmo ,kuwo cusubna...

DEG DEG: Duqa Muqdisho oo xilalka ka qaaday gudoomiyayaal Degmo ,kuwo cusubna magacaabay

Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyayaasha Degmooyinka Dharkeenleey iyo Waaberi halka kuwo cusubna  uu ku badalay.

𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨.
Muqdisho, 11 June 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Magacaabay Guddoomiyeyaasha kala ah;
1- Mudane Cumar Meeyre Mocoow, waxaa loo Magacaabay Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey.
Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey laga qaaday Md. Maxamuud Xaaji Cali Fiidoow.
2- Mudane Xuseen Xasan Maxamuud, waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waaberi.
Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Waaberi laga qaaday Md. Maxamed Sayid Cali.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha cusub in ay mudnaan siiyaan harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—May be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and text

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -