War saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada maraykanka ee qaaradda Africa ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah oo ay qaadeen lagu dilay 13 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab.

Duqeynta oo aroornimadii sabtidii ka dhacday meel qiyaastii 45km woqooyi galbeed uga beegan magaala madaxda gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo, ayay maraykanku ku sheegeen inay ahayd is difaac.

Advertisement

Taliska maraykanka ee qaaradda Africa ayaa sheegaya in baaritaankooda horudhaca ah uu muujinayo in aanay jirin waxyeelo dad rayid ah gaartay.

Maraykanka ayaa  Dawladda  Soomaaliya ka caawiya duqeymaha xagga cirka ah ee lagu majaxaabinayo kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta

Previous articleHay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo shixnad gargaar ah u dirtay Magaalada Laascaanood
Next articleAkhriso: Qodob laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga uga socday Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here