Diyaaradaha Drons-ka loo yaqaan ee Ciidamadu isticmaalaan ayaa Saaka duqeeyay Saldhigyo Alshabaab ku leeyihiin deegaano ku yaal Gobolka Mudug.

Howlgalkaan oo Qorsheysnaa waxaa  fuliyey diyaaradaha Dagaalka ee  kaalmeeya Ciidamada Soomaaliya.

Advertisement

Duqeymaha waxaa lagu burburiyay Saldhigyadii kooxda Alshabaab ku lahaayeen Koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka aan helnay ayaa  intas ku daraya in meelaha gantaaladu ku dhaceen uu ka mid yahay Saldhigii Alshabaab ee Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad Iyo Cadaley.

Sida lagu sheegay war dhanka Dowlada ka soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in Howgalkaani dhacay Aroornimadii hore ee saaka.

Saraakiisha Dowladu waxay u sheegeen saxaafada in la beegsaday  Saldhigii Howdka Jeexjeexa oo Koonfurta oga beegan Buurta Yackoos.

Goobta ayaa lagu diyaarinaayay Gaadiid qaraxyo ah sida ay saraakiishu warkooda ku sii dareen balse hada looga hortagay weerarkaani Saaka.

XAFIISKA WARARKA.

DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada UK oo 9 Million ugu deeqday Somalia
Next articleLaba Al-shabaab ahaa oo Maanta isku soo dhiibeen Dowlada Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here