Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud, taas oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab.

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay duqeeyeenSaldhgyo ay Al-Shabaab kulahaayeen degaano hoostaga Degmada Galcad, gaar ahaan Halka loo yaqaano Ceel Xasan Cali iyo Bud-bud meel u dhaw sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo is aruursanayay wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warka kasoo baxay Saraakiisha dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada ay duqeynta ka dhaceen ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ka wadaan howlgallo kala duwan, iyaga oo doonaya inay degaannadaas la wareegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here